Responsive Advertisement

TAARIIKHDA ( SIIRADA ) NABI MAXAMED(SCW)



 Nabi Muxammad csw, wuxuu ku dhashay Makkah, Oday la’aan (Yatiin), bishii Rabiical Awal, sannadkii la oran jiray Sannadkii Maroodiga, Aabihiis wuxuu dhintay isagoo ku jira caloosha hooyadiis (Labo bilood), markuu dhashayna waxaa hooyadiis la soo koriyey Awoowihiis Cabdul Mudalib.


Hooyadiis waxey dhimatay Isagoo jira (Lix bilood), awoowihiis Cabdul Mudalibna wuxuu dhintay isagoo (Siddeed jir ah), ka dibna waxaa noloshiisa kafaala qaaday Adeerkiis Abuu Taalib, intuu Adeerkiisa ka dhinto isaga ayuu la noolaa. Waxaana soo nuujisay Xaliimat Sacdiya.

1.| Safarkiisa Bilaad Shaam iyo Guurkii Khadiija

Markuu Muxammad gaaray 12jir, isaga iyo adeerkiis waxey u safreen iney ka ganacsadaan Bilaad Shaam, haddaba; Safarkaas iyagoo ku jira waxey la kulmeen Nin la yiraahdo Al-Raahib Buxeyrah oo daganaa Madiina Busra.


Al-Raahib waxaa galay dareen markuu arkay Muxammad, isagoo uu ka dareemay Sifaat uu ku arkay Kitaabka la yiraahdo (Ahlul Kitaab), iyo wixii laga yiri Muxammad Sifaatkiisa. Al-Raahib dadkii ayuu u sheegay, waxeyna yiraahdeen Al-Raahiboow sidee ku ogaatay? wuxuu yiri: Markaad ka soo laabateen Caqabada Waxba kama harin Geedihii iyo Dhagxaantii ilaa Qaara saajidan, kuwaasina uma sujuudaan ilaa Hal nabi maahee. Sidaasi ayaan ku ogaaday Wiilkaan inuu yahay Nabiyaasha kii u dambeeyey.


Abuu Taalib wuxuu mar kasta uu Muxammad uga digi jiray iney isla aadin Ardi Ruum, isagoo uga baqaayey in la dilo.


Abuu Taalib wuxuu Muxammad u celiyey Makkah, ka dib ayuu Abuu Taalib u soo laabtay Ardi Shaam, oo ay joogtay Khadiija Bint Quweylad iyo Wiilkeeda (Meysar), sidaasi darteed Abuu Taalib Khadiija wuxuu u aqbaaray wixii ay la soo kulmeen Isaga iyo Muxammad, ka dib Khadiija waxey damacday iney Muxammad Guursato.


Abuu Taalib markuu soo laabtay ayuu Muxammad u aqbaaray iney Khadiija ay rabto, Muxammadna wuu ka aqbalay, wuuna guursaday, da’diisuna waxey aheyd 25jir, iyadana waxey jirtay 40sanno, horeyna waxey u soo guursatay Labo nin, mid waxey u dhashay Gabar iyo Wiil, midka kalena Hal Gabar.


Ugu horeyn Malakul Jibriil ayaa wuxuu u soo dejiyey Suuratul Calaq, bishii Ramadaan ee Sannadkii 40aad ee Muxuammad dhalshadiisa, waxaana loogu soo dejiyey meesha la yiraahdo Gaaral-xera, Muxammad isagoo cabsanaayo ayuu u soo noqday Gurigiisa, Khadiija buste ayey ku duubtay, waxeyna u keentay nin ay Khadiijo ay ilmo habreed yihiin oo la yiraahdo Warqah Ibnu Nowfal, wuxuuna u sheegay inuu Muxammad noqon doono Nabiga Ummadaan.


Ibnu Noofal wuxuu jeclaa inuu ahaado nin dhalin yaro ah oo xoog leh si uu ugu gargaaro Nabiga, ka dib Nabiga waxaa loo soo dejiyey Suuratul Mudathir, markaas ayuu Ilaah ku amray inuu Qoomkiisa ugu yeero Islaamnimada. Qofka ugu hareeyey ee nabiga rumeeyana wuxuu noqday Abuubakar, Naagahana waxaa ugu horeesay Xaaskiisa Khadiijo, Wiilashana waxaa ugu horeeyey Ina adeerkiis Cali bin Abii Taalib, adoomadana waxaa ugu horeeyey Zeen Binu Xaarith.


Waxaana ku islaamay:


Abuubakar

Cusmaan Bib Cafaan

Sacad bin abii waqaas

Cabduraxmaan Bin Coof

Cusmaan Bin Madcuun

Abuu Salama Bin Cabdul asad

Al-Aqram Ibn Abil Aqram

Rasuulka iyo Asxaabtiisa waxey ku kulmi jireen Sir ahaan Guriga Al-Aqram Ibnu Abil Aqram, Sirtiida halkaas ayey isugu Kulmi jireen, ilaa Saddex sanadood ayey sidaas ahaayeen, ka dib waxey Dacwada Rasuulka u wareegatay ilaa Al jahar, badbaadin uu badbaadinaayo Amarka ilaaheey

2.| Dhibaatada ay u geesteen Reer Qureesh iyo Hijrada Ardi Xabashi

Wey sii socotay Dacwada Rasuulka (Al-Jahriya), qureeshna dhibaato badan ayey u geysteen Rasuulka iyo Asxaabtiisa, waxeyna ku tilmaami jireen waxyaabo uusan isaga aheen, waxey dhaheen :- Waa Sixiroow, waa Kaahin, waa Majnuun, xitaa marka uu jidka maraayo waxey ku soo tuuri jireen Dhagxaan iyo Qashin, weyna dhibi jireen markuu tukanaayo, qofkii soo raacana wey dili jireen sida


Bilaal Bin Rubaax,

Khabaab Ibn Al-aart,

Camaar Bin Yaasir iyo

Yaasir aabihiis iyo Hooyadiis,

Qaar badanna wey ku dhinteen sideey u dhibaayeen ( dhamaantood ilaaheey haka Raali noqdo). Markey Muslimiinta dhibaatadaasi ku badatay ayuu Jameecadiisa ugula taliyey iney u Haajiraan Ardul Xabashi, uuna meeshaasi joogo boqor caadil ah oo la yiraahdo Najaashi.


Waxaa haajiray asxaabtii rasuulka ku dhowaad Boqol qof, wuuna soo dhoweeyey Boqor Najaashi, wuuna sharfay, rasuulkana wuxuu aaday Taa’if, inuu reer Taa’if u sheegto dacwadiisa si ay u badbaadiyaan, laakiin wey beeniyeen, weyna tuuryeeyeen.


3.| Israa Wal Micraaj

Mucjisadaan waxey u timid Takrum iyo Tathbiit, karaamo iyo cadeyn lagu ogaado inuu Muxammad yahay Rasuulkii Alle ka dib markuu ka dhintay Adeerkiis Abuu Taalib, oo kool-koolin jiray iyo dhimashadii xaaskiisa Khadiija, oo dhiiri gelin jirtay, ka dib dhibaatadii uu Makka iyo Taa’if kagala soo kulmay Mushrikiinta., haddaba Mucjisadii halkan ayey ka bilaabatay:


Rasuulka waxaa loo dheelmiyey Beyt Al maqdas ( Al-Israa, ka dib markii loo qaaday Samadda (Al-Micraaj), waxaas oo dhamina waxey dhaceen Hal habeen oo keliya.


4.| Biicat aL-Caqaba iyo Faahfaaintii Dacwada

Waxey aheyd waqtiyada Xajka iyo Suuqyada carabta oo Muhiimka ah oo ay Rasuulka ay dadku ku arki jireen, qaasatan dadka Madaxda ah, wuxuuna ka codsan jiray iney ka caawiyaan dhibaatada heysato, una sheego Risaalada Rabigiisa.


Ugu horeen waxey ka aqbaleen dadka Sannadkii 11aad , waxeyna ahaayeen Lix qof oo qabiilka Qazrajka ah, waana qabiilka magaaladaasi.


Sannadkii 12aadna waxaa la heshiiyeen 12nin oo ragga xaafadda ah, dadkaasi waxaa loo yaqaanay Al-Ansaar, heshiiskoodan waxaa loo yaqaanay Caqabada Koowaad. Sannadii xigay ee 13aadna waxaa la heshiiyeen ama soo raaceen 73rag iyo 2naag. Taasina waxaa loo yaqaanay heshiiskii Caqabada Labaad. waxey u dhigantaa heshiiskaan, heshiiskii uu rasuulka u haajiray isaga iyo asxaabtiisa, markey dowlad Islaam ah kacday.


Masjidka Rasuulka (scw) ee Madiinatul Munawwarah


5.| Hijradii Madiina

Rasuulka wuxuu asxaabtiisa ku amray iney u haajiraan Madiina, oo ay u dhuuntaan Sir ahaan dhamaantooda, ka dib markuu Rasuulku go’aansaday inuu ka dhuunto dadkii kaafiriinta ahaa oo rabeen iney dilaan. Rasuulka waxey is raaceen Abuu Bakar, waxeyna aadeen dhinaca Waqooyi, waxeyna degeen meesha la yiraahdo Gaar Thowr,, muddo Saddex maalmood ilaa ay kufaarta ay ka waayaan aragtida Muxammad.


Cuntadana waxaa u soo qaadi jirtay Asmaa Bint Abuubakar, Cabdullaahi Bin Abuubakarna wuxuu u keeni jiray aqbaarta magaalada Maka ka socoto.


Caamir Ibn fuheyra ( adoonka Abuubakar ), wuxuu meesha ay ku jiraan Nabiga iyo Abuu bakar soo marin jiray Xoolo Ari ah, si ay u qariyaan Raadadkooda, uuna xoolahaasi Nabiga iyo Abuubakar uu Caano uga siiyo. Kufaarta waxey soo raaceen Raadka xoolaha ilaa ay ka yimaadaan meeshii ay ku jireen Nabiga iyo Abuubakar Albaabkiisa, laakiin Ilaah ayaa ka indho qabtay iney arkaan.


Qureesh waxey yiraahdeen qofkii Muxammad soo sheego waxaan siineynaa 100 buceyrah laakiin ilaaheey wuu ilaalsaday nabigiisa, wax kastoo xun ayuu ka ilaaliyey, sidii uu uga ilaaliyey jidka Suraaqa Bin Maalik,markey farastiisa ay lugaheeda dhulka la gashay, uuna ilaah uga dalbaday inuusan sheegeenin.


6.| Nabiga Soo gelitaankii Madiina

Nabiga markuu Madiina soo galay wuxuu ku degtay mel la yiraahdo Qubaa, oo la mid ah Mgaalada Madiina, wuxuuna joogay Saddex maalmood, wuxuuna ku dhisay Masjidka la yiraahdo Qubaa, waa masjidkii ugu horeeyey ee loo sameeyey Taqwada, ka dib wuxuu u soo gudbay Madiina, aad ayeyna u soo dhoweeyeen Ansaartii, weyna ku farxeen dhamaan reer Madiina Nabiga imaatinkiisa, dhamaan wey wada saameesay reer Madiina Farxadaasi.


Markuu Nabiga soo galay Madiina wuxuu ku soo degay daarta Abii Ayuub (r.c.) dadkii magaalada joogay waxaa loogu magacdaray Al-ansaar, kuwii Maka ka soo haajirayna waxaa loogu magac daray Al-Muhaajiriin. Nabiga waxyaabaha uu ka qabtay Madiina waxaa ugu weynaa Dhismaha Masaajidka Al-qubaa. Nabiga wuxuu heshiisiiyey Labo qabiil oo Ahlu Baladka ah oo la kala yiraahdo Al-Aws iyo Al-qazraj, Ansaarta iyo Muhaajiriintana walaalo ayuu ka dhigay. Wuxuuna qoray warqad Caqad ( heshiis) ah oo ka dhexeeso isaga iyo yahuudda.


7.| Jihaadkiisa

Ilaaheey wuxuu rasuulkiisa faray Jihaad, wuxuuna uga dhigay Jidkii uu ku difaaci lahaa Muslimiinta iyo inuu faafiyo diinta Ilaaheey, waxaana dhacay dagaalo badan oo dhex maray Rasuulka iyo Gaalada, Dagaaladaas waxaa ugu caansanaa dagaalkii la magac baxay Badar, wuxuuna dhacay Sannadkii 2aad ee Hijrada, dagaalkaasoo ay guushu ku raacday ku raacday Muslimiinta, waxaana lagaga guuleystay Gaalada. waxaana gaalada lagaga dilay 70qof.


Waxaa ku xigay Dagaalkii Uxud, isagana wuuu dhacay sannadkii 3aad ee hijrada, wuxuuna ka dhacay meel ku dhow Madiina, halka la yiraahdo Jabal Uxud, marka hore dagaalkaasi muslimiinta ayaa ku guuleestay, balse asxaabtii wey qilaafeen Amarka Rasuulka, weyna ka soo degeen Jabalkii.


Kadib gaaladii wey soo laabteen, iyagaana guushii raacday. Waxaa ku xigat dagaalkii la magac baxay Al-Axzaab, wuxuuna dhacay Sannadki 5aad ee hijrada, waxaa shiray Qureesh iyo Qabiiladii la deggenaa, Muslimiinta waxey qodeen Qandaq, (god), si ay u badbaadiyaan Madiina, waxa isku dhaartay Axzaab iyo Yahuudii Madiina deggeneed (Binu Qureeza).


Ka dib markeey qilaafeen heshiiskii ay hore u wada gaareen, markaasuu ilaah u soo diray Dabeel xoog weyn oo kala daadisay Gaaladii, Muslimiintana uu kaga badbaadiyey Dagaalka. Dagaalkii Binu Qureeza, ka dib markii laga soo laabtay, waxaa dhacay haddana dagaalkii Al-Axzaab. dagaalkaan muslimiinta waxey u yimaadeen Yuhuudda Binu Qureeza oo heshiiskii ay Muslimiinta la galeen ka baxay, xataa ay ka soo tageen Xukunkii Sacad Bin mucaad ay dhamaatay fidnadooda.


8.| Nabadii Al-Xudeybiya

Wey soo baxeen Nabiga iyo Jameecadiisa , Sannadkii 6aad, waxey Cimro u yimaadeen Makka, uma baahna dagaal oo Cimro keliya ayey u yimaadeen, ka dib ayey gaaladii u diideen iney Cimreestaan, shuruuda uu dagaalkaasi uu ku istaagaayo waa 10 sanno, ka dib ay muslimiinta noqdaan Cimro la’aan, Sannadka ku xiga ayey imaan karaan.


9.| Furitaankii Makka

Sannadkii 8aad ee hijriyada rasuulka wuxuu u soo baxay, inuu Makka furo, ka dib markeey gaalada ay diideen heshiiska, wuuna furay Rasuulka, wuxuuna jejebiyey Asnaamtii, wuuna ka baabi’iyey Shirkiga, ka dib markii la furay Makka, waxaana bilowday inuu Islaamka ku fido Jaziiradda Carabta, waxaana bilowday koox carab ah oo u soo noqdeen Madiina, iney Islaamnimadooda faafiyaan.


10.| Dhimashadii Nabiga

Nabi Muxammad (csw) wuxuu geeriyooday, isagoo 63jir ah, maalin Isniin goor Barqo ah, bisha Rabiical awal, waxaana lagu duugay Mowdicii uu ku dhintay Guriga Caaisha.


Ilaahoow naga yeel kuwii Rasuulka (csw) waddadiisa raacay.(AAMIIN)


Wabilaahi Towfiiq



Post a Comment

0 Comments